Sheekada Cajiibka Ah Ee Ezequiel Lavezzi Ku Heysato Horyaalka Shiinaha – Waxqabadkiisa Yar Iyo Mushaarkiisa Badan

Gudaha iyo garoonka banaankiisaba, Ezequiel Lavezzi ayaa ahaa mid kaftan ku jira, Hebei China Fortune ayaanse ku qosleyn dhibaatada xidiga ree Argentine oo sanad uu joogay horyaalka dalkaasi Chinese Super League aanan shabaqa soo taaban,

Lavezzi ayaa kamid ahaa xidigaha ugu magaca wweyn ee u dhaaqaaqay qaarada Asia sanadii 2016 isagoo kaga tagay Paris Saint-Germain dhanka Quinhuangdao kuna baxya lacag dhan £5 milyan oo pound, waxaanan xaqiiq ah in Hebei aysan helin celintii qiimigoodii.

31 jirkaan ayaa kulankiisii koowaad ee kooxda saftay March 3 laakin dhaawac kasoo gaaray garabka intuu ku jiray Copa America ayaa yareysay waqti cuyaareedkiisa, wuxuu kooxdiisa u ciyaaray sanadkii h–e oo dhan kalia 10 kulan, wuxuuna ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto xitaa hal jeer.

Xisaabta ku darso inuu mushaar ahaan u qaata £21 milyan oo pound sanadkii, Lavezzi ayaa wadar ahaan ugu fadhiya Hebei lacag dhan £26 milyan oo pound, wuxuu halkii kulan ugu ciyaaraa kooxdaasi 2.6 milyan oo pound, ha la yaabin inuu marwaliba faraxdsan yahay !